R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayay isbedelka gobalka geeska Afrika

Date:

Muqdisho(SNTV):- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guulled (Khadar) ayaa maanta dalka walaalaha aanu nahay ee Jabuuti uga qayb gelay madasha sannadlaha ah ee machadka daraasaadka siyaasadda Heritage.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ku metelayay dawladda Soomaaliya ayaa madashana ka jeediyay khudbad uu uga hadlay isbedelka gobalka geeska Afrika iyo dawrka ay ku leedahay dawladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay iney nabad iyo xasillooni kula noolaato dalalka deriska ah.

“ Soomaaliya waxay baahan tahay nabad iyo nolol,Soomaaliya waxay baahan tahay iney nabad kula noolaato jaarkeeda,isbedelka Geeska Afrika ka dhacay Soomaaliya waxay uga faa’ideysaneysaa xagga dhaqaalaha,amni iyo xasillooni siyaasadeed iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya nabad ku wada noolaadan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirkan oo socon doono mudo saddex cisho ah rajeynayo iney ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo wax weyn u tara Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...