R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayay isbedelka gobalka geeska Afrika

Date:

Muqdisho(SNTV):- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guulled (Khadar) ayaa maanta dalka walaalaha aanu nahay ee Jabuuti uga qayb gelay madasha sannadlaha ah ee machadka daraasaadka siyaasadda Heritage.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ku metelayay dawladda Soomaaliya ayaa madashana ka jeediyay khudbad uu uga hadlay isbedelka gobalka geeska Afrika iyo dawrka ay ku leedahay dawladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay iney nabad iyo xasillooni kula noolaato dalalka deriska ah.

“ Soomaaliya waxay baahan tahay nabad iyo nolol,Soomaaliya waxay baahan tahay iney nabad kula noolaato jaarkeeda,isbedelka Geeska Afrika ka dhacay Soomaaliya waxay uga faa’ideysaneysaa xagga dhaqaalaha,amni iyo xasillooni siyaasadeed iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya nabad ku wada noolaadan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirkan oo socon doono mudo saddex cisho ah rajeynayo iney ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo wax weyn u tara Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...