Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq ka soo saaray xaaladaha ka taagan Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV) Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo,isagoo baaqyana ka soo saaray shirkiisa jaraaid.

Guddoomiye Mursal ayaa ku baaqay in la siidaayo Mukhtaar Roobow,isalmarkaana ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in ay degnaansho muujiyaan si loo baajiyo in dhiig shacab uu daato.

Sidoo kale Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu ugu baaqay guddiga doorashadu in ay dib u dhigaan doorashada,si loo xaliyo xaaladaha rabshadaha ah ee ka taagan magaaladaasi.

Hadalka guddoomiye Mursal ayaa imaanaya iyadoo maalmahan magaalada Baydhabo ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabshado wata,isagoo xusay in aan loo bahanyahay in laga fogaado waxkasta oo bulshada dibaato u keeni kara

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...