Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qatar ugu baaqay iney ka qeyb qaataan Dib u Dhiska Dalka.

Date:

Doha (SNTV) Isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayuu sheegay Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qadar looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka ka socda dalka, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda Dalka iyo Horumarada Dowladdu ay ka sameysay dhinacyada Amniga, la dagaalanka Musuqa, Koboca dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada FS ayaa sheegay in dawladda Qatar ay wada gaareen heshiisyo waawayn oo kor loogu qaadayo horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in la bilaabayo inta aanu sanbadkan dhamaan dhagax-dhigga dhismaha wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jawhar, ayna ku xigi doonaan dhismaayasha wasaaradda Qorshaynta, xarunta Xisbiga iyo mashaariic kale.

Waxa uu intaa ku daray in Qatar iyo Soomaaliya si dhaw isaga kaashanayaan dhinacyada gaadiidka cirka iyo dhulka, taas oo wax wayn ku soo kordhinaysa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...