Aqalka sare oo Guddi u saaray xallinta kala feker duwanaanshaha u dhaxeeya hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa magacaabay Guddi xalliya kala fikir duwanaanshaha ka dhextaagan hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cali Maxamed Jaamac ,ayaa Warbaahinta Qaranka uga warramay Guddigaas lamagacaabay iyo Shaqooyinka uu qabanayo, wuxuuna Xubnaha Guddigan kula dardaarmay in ay la yimaaddaan isku-duubni, dhex-dhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl-galaan caddaalad.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare Waxaan xubnaha Guddigan kula dardaarmayaa isku duubni, dhexdhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl galaan si aan dhinac raac laheyn caaddaaladna ku shaqeeyaan” sidaas waxaa sheegay Xogayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac.

Xubnaha Guddigan uu ka kooban yahay ayaa kala ah Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle Gudoomiye, Cabdi kaafi Macallin Xasan , xubin, Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...