Maamulka Gobolka Banaadir oo abaalmarin u ballan qaaday Degmadii ku guuleysata soo celinta bilicda Caasimadda +Sawirro

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Xamarweyne iyo qeybaha Bulshada ayaa si wada jir ah u billaabay olole nadaafadeed oo qeyb ka ah bilic soo celinta Caasimadda Dalka.

Howlaha nadaafadda oo Maanta si xooggan ugu socday nawaaxiga Suuqa Bacadlaha iyo goobo kale , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ahna, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Xamarweyne, Axmed Maxamed Iiidow, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada bilic soo celinta Caasimadda Dalka, isagoo arrintanna ugu mahad celiyay maamulka Gobolka iyo shirkadaha Nadaafadda.

Guddoomiye, Iidoow, ayaa sheegay inaysan waxba iska beddalayn howlahooda oo ah shaqee habeen iyo Maalin, taasoo qayb ka ha dedaallada dib usoo celinta bilicda ee haatan ka socda Caasimadda.

“Waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa oo arrintani garab nagu siiyay maamulkeenna sare ee Gobolka banaadir, waxaa kaloo na caawiyay shirkadda nadaafadda, waxaana naga go’an inaan sii wadno hal ku dhiggeenna ah shaqee habeen iyo Maalin, ayuu yiri, mudane Iidoow.

Guddoomiyaha Ururka Hawweenka Gobolka Banaadir,Marwo, Jawaahir Baarqab,ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Bulshada ku nool Degmada gaar ahaan Haweenka ka qayb qaadanaya nadaafanna loo sameeyo dhiirri gelin ballaaran.

Basmo Caamir Shikeeti, oo ah Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Gobolka banaadir, ayaa ballanqaaday in ka maamul ahaan ay abaalmarin doonaan Degmadii ku guuleysata howlaha dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdidisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...