Guddoomiyaha Aqalka sare iyo masuuliyiin kale oo kismaayo u Ambabaxay

Date:

Muqdisho December 6 (SNTV):-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa goor dhow ka anababaxay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle,  asagoo safar Shaqo ugu kicitimay Magaalada Kismaayo, Caasimada KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay safarkiisu ku wehliyaan xubno ka tirsan Aqalka Sare, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyay qaar ka mida Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdigiisa oo Magaalada Kismaayo ugu ambabaxay safar shaqo, ayaa inta ay halkaasi ku sugan yihiin waxay  kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyiinta maamul Goboleedka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...