Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran

Date:

Muqdisho (SNTV)- Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ahaa mid tababar loogu furayey qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida iyo  Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, kuwaasi oo la barayo  xirfadda garaacista noocyada kala duwan ee Miyuusiga.

Si loo soo saaro Dhalinyaro ka qeyb qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Xirfadda garaacista Miyuusiga ayaa waxaa la barayaa 150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo  kala socda Ciidamada qalabka  sida oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo Ciidanka Asluubta, iyaddoo tababarkaasi ay bixin doonan Macalimiin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Ugu horeyn Munaasabadda daahfurka tababarka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaan Cabdiqaadir Shube, waxaana uu  sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradda in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Bulshadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe  ayaa Ku booriyey dhalinyaradda tababarka qaadanaya in ay ka faa’ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed  jaamac ayaa  Sheegay in dhalinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarsho,  Xanaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir oo gabogabada hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan,  isaggoo si rasmi ah u daahfuray tababarka maanta loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran iyo qaar kamid ah Ciimadamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...