Tababar lagu baranayo Garaacista Miyuusiga oo loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ku xiran iyo qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida

Date:

Muqdisho December 4 (SNTV):- Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ahaa mid tababar loogu furayey qaar kamid ah Ciidamada qalabka sida iyo  Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, kuwaasi oo la barayo  xirfadda garaacista noocyada kala duwan ee Miyuusiga.

Si loo soo saaro Dhalinyaro ka qeyb qaadata Wacyi-gelinta Bulshadda, Xirfadda garaacista Miyuusiga ayaa waxaa la barayaa 150 maxaabiista ku jirta xabsiga dhaxe ee Xamar iyo 150 Askari oo  kala socda Ciidamada qalabka  sida oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo Ciidanka Asluubta, iyaddoo tababarkaasi ay bixin doonan Macalimiin isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Ugu horeyn Munaasabadda daahfurka tababarka munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abwaan Cabdiqaadir Shube, waxaana uu  sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradda in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Bulshadda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Dahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe  ayaa Ku booriyey dhalinyaradda tababarka qaadanaya in ay ka faa’ideystaan darruusta la siinayo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed  jaamac ayaa  Sheegay in dhalinyaradda maxaabista ku jirta xabsiga dhaxe ay helaan waxbarsho,  Xanaano iyo barista xirfadaha, si ay aqoonta ay barteen uga faa’iideyaan dadka kale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir oo gabogabada hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay tababarkaan,  isaggoo si rasmi ah u daahfuray tababarka maanta loo furay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran iyo qaar kamid ah Ciimadamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...