Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Date:

Shirka Banbax Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dasturka oo muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiray Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa intuu socday waxaa lagu diyaarinayay qorshaha 2019ka ee Wasaaradda iyo tababar ay qaateen dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.

Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ayaa Wasiirka Cabdi Xoosh iyo Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xusen Cilmi uga warbixiyay tabarada ay qaateen shaqaalaha Wasaaradda iyo qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo La-
taliyayaasha kala ah Zahra Cali Xasan iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa si wadajir ah uga hadleen muhiimada shirkan iyagoo soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii loo fulin lahaa qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay sida aad u soo bandhigteen waxqabadka waaxyaha Wasaaradda ee sanadkan dhamaanaya iyo qorshaha aad diyaariseen sanadka 2019ka, waxaad ogtihiin duruufihii adkaa ee 20 bil ka hor aan ku bilownay hawsha. Waxaad muujiseen hawlkarnimo iyo dal jaceeyl oo aad aaminteen in danaheena gaarka ah ay ka weyntahay danta dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa ah Banbixii ugu horeeyay ee ay Wasaaradda yeelato waxaana la qorsheeyay in uu noqdo mid sanadkiiba mar qabsooma.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...