Wasiir ku xigeenka Amniga oo ka qeyb galay Shir looga hadlayey Bur-burinta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa

Date:

Geneva December 2 (SNTV):-Madax ka socoto Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay u qabto ka hortaga Walxaha Qarxa si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in laga dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 in loo baahanyahay dardargelinta howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...

Jordan oo Sheegtay in Israa”iil xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Jordan oo Sheegtay in Israa’iil ay Xadgudub ku...

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay...