Ra’iisul Wasaare Khayre oo casho Sharaf u Sameeyay Wafdiga Golaha Amniga Iyo Nabadda Midawga Afrika+Sawirro.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa casho sharaf  hoygiisa ugu sameeyay wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogay Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha wafdiga ee casho sharafta u sameeyay uga mahadceliyay booqasahda maalamaha qaadatay ee ay ku joogaan dalka.

Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay casho sharafta iyo soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay.

Wafdiga oo ka Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo.

Wafdiga ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku joogay booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa ayaa intii ay joogeen waxa ay kulan la qaateen ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen xaaladaha amniga dalka, siyaasadda iyo dardar-gelinta qorsha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...