In ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV)- In ka badan 15-kamid ah Argagixisada Alshabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii xalay duqeyn lala beegsaday Gobalka Jubadda Hoose halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab. sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey ee gobolka Jubada Hoose, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab.

Horjoogayaasha Argagixisada Alshabaab ee shirka joogay waxaa kamid ah, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.

Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...