Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo kulan la qaatay Xubno iyo masโ€™uuliyiin ka socday Qaar kamid ah ururada dhalinyarada ee dalka

Date:

Isniin, 19, November, 2018, Muqdisho(SNTV):- Shirkan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka iyo ururada dhalinyarada ee ka jira dalka ayaa diiradda lagu saaray sida ay dhalinyaradu uga faaโ€™iideeysan karaan fursadaha Shaqo si ay uga qayb qaataan horumarinta amniga dalka.

Mudadii uu socday kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo kusaabsan sida loo horumarin karoย  dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo door muuqda ka qaadanaya Dibudhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyahaย  Dhalinyarada Gobolka Banaadirย  Cabdikaafi Maxamuud Makaraanย  iyo Guddoomiyaha Isutagga Ururada Dhalinyaradaย Soomaaliya, Somali Youth Cluster, Marwo Muno Xasan Maxamed oo kamid ahaa masโ€™uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay shirkani ayaa waxay sheegay in ay kulanka kasoo baxeen qodobo muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdifatax Khaasim iyo Xildhibaanย  Maxamuud Siraaji oo labadaba ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in la isku raacay in la dhiso sharci haga dhalinyaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Mudane Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed loogu sameeyn lahaa shaqo abuur.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale