Baladweyne (SNTV) Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Maxamuud Koronto oo ay wehliyaan saraakiil ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay booqday afar xero, kuwaas oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyn, si ay u dhiiri galiyaan Ciidanka Xoogga Dalka ee joogaa Gobolka Hiiraan.
Taliyaha oo la hadlay ciidamada uu booqashadda ugu tagay ayaa ku booriyay in ay muujiyaan dadaalo dheeraad ah si dalka looga xoreeyo Maleeshiyadda Argagixisada Al-shabaab oo dhib ku haya Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka si loo fududeeyo howlagalada ciidanku ay ka wadaan gobolka Hiiraan.
Booqashada saraakiisha uu horkacayo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Maxamuud Koronto ayaa qeyb ka ah dadaalada la dooonayo Maleeshiyadda Al-shabaab in looga saaro Deegaanda yare ee ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.