Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska oo loo diyaarinayo sugidda Amniga Caasimadda.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga.

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga.

“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir

Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...