Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Ka qayb galay Kulanka Golaha Guud ee Midawga Afrika

Date:

Adis-Ababa (SNTV);- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay shirka Golaha guud ee Midawga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.

Mowduucyada ugu waawayn ee kulanka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.

Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...