Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda dowladda 2019.

Date:

Muqdisho November 17 (SNTV):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay.

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan.

” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Dhanka kale xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka.

155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...