Maamulka Gobolka Banaadir oo dardargeliyey Ololaha Isxilqaan ee Matxafka Qaranka

Date:

Muqdisho November 17 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeybgalay dardargelinta Ololaha Is-xilqaanka ee Matxafka Qaranka.

Matxafka Qaranka ayaa dhowaan laga saaray dad shacab ah oo muddo daganaa, iyadoo uu kamid yahay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo boqolaal shacab iyo shaqaalaha D/Hoose kula hadlay goobta uu ololahu ka socday ayaa bulshada ugu baaqay in gacmahooda ay ku dhistaan dalkooda, isagoo uga mahadceliyey isu-soo baxan lagu nadiifinayo dibna loogu dhisayo goobtan taariikhiga ah.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay shacabkii horey u daganaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhego-nuglaadeen baaqii loo jeediyey, isla markaana ku banneeyey waqtigii lagu hashiiyey si dib u dhis loogu bilaabo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay cid walba oo degan hantida danta guud in ay banneeyaan si dib loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

“Isxilqaamayaashu gacan waxay kaga qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga, waad u jeedaan maantana waxaan dardargelinay dib-u-hagaajinta Matxafka Qaranka.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Gobolka Banaadir ee maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...