Shir ku saabsanaa Amniga Gobolka oo xalay lagu qabtay Degmada Kaaraan

Date:

Muqdisho (SNTV)–Shir xalay lagu qabtay Degmada Kaaraan ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka, Xildhibaano, qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, qeybaha Bulshada iyo marti sharaf kale.

C.fitaax Nuur Cali Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegay in iskaashiga Shacabka iyo laamaha Amniga uu degmadaasi ka dhigan mid heysata Amni dhameystiran.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa muujiyey in shirkan uu saldhig u yahay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta degmooyinkaweybta Bari ee gobolka Banaadir.

Xildhibaan Maxamed Soomaali oo kamid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay Shirka ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka degmada Kaaraan sida ay isugu xiran yihiin oo ay uga shaqeeyeen Amnigooda.

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cismaan Cumar( Engineer ) Yariisow ayaa tilmaamay in dadaalka maamulka gobolka ee ku wajahan Amniga uu yahay mid aan loo kala harin iyada oo la tixraacayo qorshaha Amniga gobolka ee horay loo dajiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...