Al-shabaab oo Jilib ku dilay xubno ka tirsan Ajnabita Argagaxisada ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Koox Maleeshiyo ah oo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ayaa degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe ku dilay rag ka tirsanaa Kooxda oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Argagaxisada Khilaaf iyo kala shaki dhexdooda uu sababay in la dilo ragan, waxayna tani cadeyn u tahay sida Argagaxisada qofkii gala uusan kaga badbaadeyn inay dilaan.

Abuu Anas Al Misri oo Masar u dhashay ayaa ku jira raga la dilay, waxaana wararku ay sheegayaan in Maleeshiyada ay kaga shakisay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish oo Al shabaab xagjirnimada ay wadaagaan hadana ay kala mabda’  duwan yihiin.

Waxa ay isku xireen Ragga la dilay Masjid ku yaal Jilib, waxaana ay diideen inay isdhiibaan markii la soo weeraray, halkaas ayaana lagu dilay sida ay noo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib.

Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaanada ku harsan Gacanta Kooxdan arxanka daran ee Alshabaab, iyadoo dhawaan Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage uu sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta Dhagar qabayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...