Duqeeynta Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil oo ay ku Geeriyoodeen Saddex Qof Falastiinyiin ah

Date:

Dayuuradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeeymo xooggan ka geeystay dhulka Falastiinyiinta, iyagoo bartilmaameedsaday xarunta Tvga e Ururka Xamaas oo ku yaal Marinka gaza, waxaa kale oo ku geeriyooday hal ruux oo Israa’iil  ah gantaalladii  ay ka soo tureen dagaalyahanada  Xamaas  dhanka Israa’iil.

Kooxda maamusha marinka Gaza ee Xamaas ayaa sheegtay  in mid ka mid ah Gantaalada ay ku ridayeen Israa’iil dhinacooda uu waxyeelo weeyn gaarsiiyay xarunta dhismaha Tvga Xamaas

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Artileeriga ee Israa’iil  ay ka geeysteen  duqeeymo meelaha ugu saxmadda badan ee dhulka Falastiinyiinta  ee marinka gaza.

Duqeeymaha Israail ayaa daba socota 300 boqol  oo gantaallo ah oo Xamaas ku tureen dhulka ay Israa’iilyiinta xoogga ku haaysat Falastiinyiinta, mid ka mid ah gantaalada Xamaas ay ku tureen dhinaca Israa’iilyiinta ayaa waxaa uu ku dhacay Bas  dhanka kalana gantaal ayaa ku dhacay dhismo weeyn oo Israa’iil ay leedahay.

Ciidanka Israil ayaa sheegay in Hal ruux oo askari israaiili ah uu si xun ugu dhaawacmay bur bur dhisme  oo ku dhacay mid ka mid ah gantaalada ay xamaas ku soo tuuuren dhanka Israil

Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Mr Antonio Getares ayaa ku guubaabiyay labada dhinac ee dagaalamaya  ayaa sii dagdag ah  ay xal uga  garan dagaalka Masuulka  u hadlay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa Farxaan Xaq, xaq waxaa kale uu intaa ku daray in uu ugu baaqay in ay soo celiyaan xasiloonida is naa xakameeyan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii falastiiiniyiin ku sugan deegaanka Khaan Yoonis ay ku dhaqaaqeen in ay ka dabad baxaan dilka loogu geeystay todobadii Qof ee falastiinyiinta ahaa oo maallinmadii Isniinta la shegay in ay geeriyoodeen oo Israaiiliyita ay toogasho ku dileen ka dib martkii ciidamada Israil oo wata gaadiidka dagaalka ay ka soo gudbeen xadka u dhaxeeya labada dhinac ee Israa’iil iyo falastiin, Nour Baraka oo ahaa Hoggaamiye sare ee Ururka Xamaas

Dhinaca kale ee Israa’iil war ka soo baxay ayaa sheegay in Korneel Israa’iil ah uu ku geeriyooday askari kalena  uu ku dhaawacmay weerarkaasi dhexmaray labada dhinac ee Israa’iil iyo falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...