Beesha Caalamka oo cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee shalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Gutters ayaa lagu cambaareeyey weerarkii bahalnimada lahaa oo shalay ay Muqdisho ka geysteen maleeshiyada Alshabaab.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda uga tacsiyadeeyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay, wuxuuna xusay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin falalkaasi wuxuushnimada leh howlaha ay ku taageerayaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalkaasi lagu sheegay in QM ay sii wadi doonto joogteynta taageerada ay la garab istaagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Dhanka kale dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi bahalnimada lahaa, iyagoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Waxaa kamid ah Isbahaysiga Islaamka, Dowladda Turkiga iyo wadamo badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...