Diyaaradda Ethipian Airways oo soo Caga dhigatay Garoonka Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways.

Waxaa haatan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soconaysa munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan.

Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee  Aaden Cadde International Airpot Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga Duullimaadyada Caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka Caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...