Wasiir Beyle oo la Kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiil kale

Date:

Muqdisho November 6 (SNTV);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysay Booliska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan Amniga, dagaalna ay kula jiraan Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo Shacabka u maleega Weeraro ay ku dhibaateeyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyo xasiloonida ay soo hoyeen Ciidamada Booliska, iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...