Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacday magaalada Minya ee dalka Masar, kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida Jamhuuriyadda Soomaaliya shacab iyo dowladba ay u garab taagan yihiin walaalahooda dalka Masar, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada kasoo horjeedda horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in weerarkan argagixisanimo uu muujinayo hagardaamada joogtada ah ee argagixisadu ay ku hayaan shucuubta, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee dalka Masar Mudane Almushiir Cabdifataax Alsiisi iyo ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaasi, waxa uuna u rajeeyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen in ay si deg deg ah caafimaad dhammeystiran u helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha dhaqanka Sooomaaliyeed oo kulan ay yeesheen kasoo saareen Baaq Nabadeed

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan weyne ku qabtay xarunta...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Saraakiisha Waaxda Asia iyo Australia

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Axmed Maxamed Fiqi, ayaa kulan...

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo...