Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo sheegay inaysan Dowladda dhexe fara gelin ku hayn doorashada Koofur Galbeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda dhexe ay ku hayso doorashada Madaxweynaha ee maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudanaayaashan Golaha Shacabka oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto Ololaha doorashadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo dhawaan lafilayo in ay ka dhacdo Magaaladda Baydhabo.

Xildhibaan, Cabdullaahi Abshiroow, oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo ay Dowladda dhexe ku heyso doorashada Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed, taas baddalkeedana Dowlad Goboleedyadu ay u Madax bannaan yihiin arrimaha doorashooyinka.

“Doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaan maqlay in la leeyahay waxaa faro galin ku haya Xukuumadda taas waxba kama jiraan aniga ayaa tagay Magaaladda Baydhabo oo degaankeyga ah mana ku soo arkin waxa lasheegayo runtii Maanta wax faro galin majirto balse badaalkeeda waxa socda horumar wanaagsan oo meel kasta laga wado” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo lahadlay Radio Muqdisho.

Cabdullaahi Abshirow ayaa sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay aad u taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, kadib markii Dowladdu ay ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saarto Waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo ay muddo badan Dadka Shacabka ah Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen,

Wuxuu sidoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleysteen inay kala qaadaan Malleeshiyo Beeleed muddo isku hor fadhiyey Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, taasoo uu ku tilmaamay guul ay horseedday Dowladda dhexe.

“Shacaabka Koonfur Galbeed waxaa ay ii soo dhibeen Fariin ay ugu mahadcelinayaan Madaxeweyne Farmaajo iyo Reysul Wasaare Kheyre iyo dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya aad ayey u soo dhaweeyeen howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo aan muddo badan lamarin, sidoo kale waxaa ay ka mahad celinayaan in la kala qaaday Malleeshiyo Beeleedkii Marka isku haystay sidoo kalena heshiis arrintaas laga gaaray”.ayuu yiri Xildhibaanku.

Dedaalkan ay waddo Dowladda Soomaaliya ee dhanka howlgalada lagula Dagaallamayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...