Ra’iisul wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka horumarinya Dhaqaalaha

Date:

SNTV:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku lugtaleh arimaha dhaqaalaha xukumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynra , Beeraha iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...