Soomaaliya oo martigalineysa kulan Dalalka Iskaashiga Islaamka

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan magaalada Muqdisho berri oo sabti ah.

Wufuud ka socota dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay berri yimaadaan.

Martigalinta Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah ayaa imaanaysa iyadoo la fulinayo qaraarradii ka soo baxay shirarkii 44aad iyo 45aad ee wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Iskaashiga Islaamku ku yeesheen Abdijan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Wufuudda ka soo qeyb galaya shirkan ayaa diirradda ku saari doona kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabaneysa sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen.

Wufuud ka socda dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga Islaamka Danjire Hishaam Yuusuf, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeyb geli doona shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti galineyso.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban dalalka kala ah;

1-Azerbaijan 2-Brunei 3-Djibouti 4-Egypt 5-Gabon 6-Iran 7-Kuwait 8-Malaysia 9-Pakistan 10-Qatar 11-Saudi Arabia 12-Sudan 13-Turkey 14-UAE 15-Yemen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...