Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Shabeelleda hoose

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Sarkaal sare oo Ururka Al-Shabaab u qaabbilsanaa Canshuuraha ayaa lagu dilay howl-gal ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada hoose.

Horjooge ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo aan Magaciisa la shaacin ayaa lagu dilay weerar Qorsheysan oo ay Ciidamadu ka fuliyeen Laba Cisha ka hor degaanka Bariirre, sida ay Khamiistii Shalay ahayd sheegeen Saraakiisha howl-galka AMISOM.

Axaddii Todobaadkan ayay ahayd markii Ciidamada is-garabsanaya ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Argagixisadu ku lahaayeen Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyadooda Argagixisanimo u adeegsada Lacago iyo Xoolo ay si qasab ah kaga qaadaan Shacabka ku nool goobaha ay ka dhow yihiin, iyagoo sidoo kale macaash ka raadiya Canshuurta ay ka qaadaan dhoofka Dhuxusha sharci darrada ah, sida lagu sheegay war-bixintii ugu dambeysay ee ay QM laanteeda la socodka cunaqabataynta Soomaaliya soo saartay.

Isha/Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...