Qaar ka mid ah Dadkii kusoo dhaawacmay Sool oo la keenay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Xalay lasoo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho Diyaarad sidday 22 Qof oo ka mid ah Dadkii kusoo dhaawacmay dagaal Beeleedkii ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Dadkan oo ay qaarkood xaaladdadoodu aad u liidato ayaa waxaa laga soo qaaday Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inaan waxba loogu qaban Karin, iyadoo haatanna la dhigay Cuspitalka Erdogan (Ex-Digfeer).

Diyaaradda ayaa markii hore ka qaadday Muqdisho gargaar Caafimaad oo Dowladda Soomaaliya ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ku dhaawacmay dagaalka, ayaa waxaa la socday Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda, Cabdulahi Bidhaan Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysigga iyo Qeyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kamid ahaa xubnaha ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay arrintan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan ku bixineyso siddii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Dhaawacyadda qaarkood aad ayey u jajaban yihiin qaarkood kalena aad ayey u liitaan waxaana u soo qaadnay siddii halkan loogu daweyn lahaa”. Ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Xildhibaano iyo Masuuliyin kale ayaa Garoonka ku sugayey Diyaaradda sidday dhaawacyada, waxanay dhammaantoodba sheegeen inay si hagar la’aan ah wax ugu qaban doonto Dowladda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...