Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Maamulka Gobalka Banaadir oo Kulan soo dhaweyn ah u sameeyay ciyaartoyda qurbajoogta

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Muqdisho kulan soo dhawayn ah ugu sameeyey ciyaartoyda qurbajoogta ah oo todobaadkan dalka ku sugnaa.

Kulankaas waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Xiriirka kubadda cagta iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow uu  sheegay in ay u diyaarsan yihiin ku dhiiri galinta Qurnbajoogta inay dalkooda ku soo laabtaan.

Wasiirka Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhalinayarada ciyaartoyda ah ee Yurub iyo Amerika ka kala yimid ay fursad u tahay horumarka Sportiga dalka.

Kulamo is dhexgal ayay Garoonka Koonis Stadium kula yeesheen Kooxdan Qurba Joogta ah Naadiyadda kala duwan ee dalka ka dhisan, waxaana ciyaarahaasi kasoo qeyb galay Shacab kala duwan oo bogaadiyay dhalinyarada Qurba joogta ah ee dalkooda hooyo jecel inay kusoo laabtaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...