Gudoomiye Tuulax: Suuqa Bakaaraha waa inay noqotaa goob burcadda ka caagan oo ganacsatada nabadgelyo ku shaqeystaan

Date:

Muqdisho (SNTV) Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed C/laahi Tuulax, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada Booliska ay ku soo qabteen laba ka mid ah rag Burcad ahaa oo dadka ku dhacaayay Suuqa Bakaaraha.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay, kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada labadan Burcadda ah.

“Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay laba ka mid ah dabley dhac ka geysanaayay gudaha suuqa bakaaraha.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay muhiim inay tahay Suuqa Bakaaraha inuu noqdo goob ka caagan Burcadda oo Bulshada si nabadgelyo leh ugu ganacsadaan.

“Suuqa Bakaaraha waa inuu noqdaa goob ganacsi oo si nabadgalya ah shacabku ugu ganacsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay kormeerka dhanka ammaanka ee lagu sameynaayo Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo maalin ka hor masuuliyiin uu horkacaayay Wasiir Ku xigeenka Amniga iyo Gudoomiye ku xigeenka ammaanka Gobolka Banaadir ay kormeer ku tageen Suuqa Bakaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...