Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddiga loo xilsaaray soo-nooleynta Matxafka Qaranka ayaa maanta markii labaad booqday Matxafka oo qeyb ka ah dib-u-soo-nooleynta Magaaladda Dhaqanka ee Muqdisho (Mogadishu Cultural City) oo ka kooban Matxafka, Tiyaatarka iyo Maktabadda.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo Guddiga Guddoomiye u ah ayaa Waxaa Kormeerka ku wehlinayey Wasiirka Amniga Qaranka, Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Masuuliyiin kale oo Guddiga kamid ah, waxaana ay la kulmeen dadka degan Matxafka.

Guddiga ayaa Waxa ay dadka deggen Matxafka mar kale ugu celiyeen inay dhismaha ka guuraan ugu dambeyn 15-ka Nofembar 2018, si dib loogu dhiso Ololaha Is-xilqaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...