Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Soolisaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...