Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sool, isaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...