Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Khayraadka Biyaha

Date:

Muqdisho (SNTV):Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha warfaafinta, boostada iyo khayraadka biyaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyada oo uga warbixiyay habsami u socdka shaqooyinka wasaaradda, halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubooyinka ay qaybta ka tahay iyo qorshayaasha howlaha hor-tebinta u leh wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa qayb ka ah  xarumaha uu ra’iisul wasaaruhu kormeerka ku tegay, halkaas oo uu kula kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyaha oo ra’iisul wasaarah uga xog-warammay hannaanka ay shaqada wasaaradda u wadaan.

Mudane Xasan Cali Khayre  ayaa ugu dambayn kormeeray wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo waci-gelinta oo uu kula kulmay wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday waxa uu faray in si hufan ay uga qayb qaataan barnaamijka is-xilqaan iyaga oo ka bilaabaya qurxinta iyo dib u hagaajinta xaruaha wasaaradahooda iyo in ay laba jibbaaraan dardar-gelinta shaqooyinka ay u hayaan qaranka si loo gaaro hadafka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...