Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq u dirtay Madaxda Maamul Goboleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV);- War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gogoshii uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maamul Gobolleedyada wali sideedii tahay,islamarkaana Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Sida la wada ogsoon yahay, waxa 8dii Seteember, 2018 uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu gogol u fidiyay madaxda Maamul-goboleedyada in ay ka soo qayb-galaan shir wada-tashi oo looga wada-xaajoonaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinta Siyaasadda loo dhan yahay iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Shirkaas oo ujeeddadu ahayd in uu qabsoomo 16-17ka Seteember, balse ay ka baaqsadeen Madaxda Maamul-goboleedyadu.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay halkan ku caddaynaysaa kuna baaqaysaa:

1) In gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha JFS ay weli sideedi tahay islamarkaana Dawladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

2) Dawlada Federaalka Soomaaliya iyadoo ixtiraamaysa Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaal, waxa ay aaminsan tahay wada-tashi, isla-tashi iyo isku-tashi iyadoo wixii khilaaf ah ee dhaca lagu xallinaayo si Soomaalinimo ah.

3) Dawladda Federaalka Somaaliya waxa ay adkaynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Ummada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo hab ku salaysan wada-tashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda Qaranka, heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed. Arrimaha Soomaalida waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed.

4) Wasaaradda Arrimaha Gudahu iyadoo tix-gelinaysa Shuruucda dalka waxa ay mar kale ku baaqaysa in doorashooyinka Baarlamannada iyo Madaxda Maamul- goboleedyadu ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo-galay, una dhacaan si daah- furan oo waafaqsan dasturka iyo shurucda dalka u yaal. Jadwalka doorashooyinka ee labada maamul-goboleed ee u horreeyaa waxa uu u dhacayaa sidatan: (Koonfur-galbeed 17ka November, 2018, Puntland 8da January, 2019). Maamul- goboleedyada ku xigaa waa in ay ilaaliyaan xilliga dorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...