Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay Shabakad Ku Howlaneed Daabicista Lacag Faalso Ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Amaanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/10/2018 garoonka Muqdisho ku qabtay shakhsi doonayay in halkaasi kala dhoofo lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Lix saac kadib Markii laqabtay lacagtaasi ay ciidamada Amnigu ku guuleysteen in magaalada daafaheeda ay ka soo qabtaan shabakadii howshaasi ku howlaneed oo dhamaystiran.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlaha sugidda Amniga dalka, iyagoo ka hortagay falal isugu jiray Argagixisanimo, burcad dadweynaha isbaareysanayay iyo shabakado isku xiran oo ka shaqeynayay daabicista lacag been abuur ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...