Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Kala Saxiixday €100 Milyan oo lagu kabayo Miisaaniyadda Dawladda

Date:

Muqdisho (SNTV):-Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub  si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan  lacag €100.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.

“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.

Midowga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...