Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo laga gudoomay

Date:

Addis Ababa (SNTV): – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Mudane Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...