Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka iyo dar-dargelinta howlgalada Ciidamada XDS oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho, Khamiis, 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  Guddoomiyah kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

“Kulnka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...