Ra’isul wasaare Kheyre oo kormeeray xarumaha maaliyadda dalka

Date:

Muqdisho (SNTV);– Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo.

Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda.

“Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...