Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha XDS oo tababar u xiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa maanta tababar u xiray Ciidan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno oo Muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha Dugsiga tababarka Turkisom ee magaaladda Muqdisho, waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi kamid noqoshada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga Turkiga, Saraakiil iyo Madax ka socday Wadamada Caalamka iyo qaar kamid ah Ehelada Ciidanka maanta tababarka loo  xiray, si ay ula qeybsadaan Farxadda.

Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga dalka, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda.

Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom S/guuto Cumar Faaruuq ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Saraakiisha cusub ee tababarka loo xiray, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu dhismayo, isla markaasna hadda uu ku jiro ciribtirka Maleeyshiyada Kooxda arxanka darran ee Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinaca kale Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhawaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.


 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...