Maamulka Gobolka Banaadir oo joojiyey soo dejinta Gaadiidka Bajaajka

Date:

Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in laga soo dejiyo dekedda iyo dhammaan soohdimaha dhulka ee magaalada Muqdisho gaadiid Mooto Bajaajka ah oo cusub.

Guddoomiyaha ayaa u muddeeyey labo bilood oo maanta ka bilaabanaysa, dadka ay haatan kaga jiraan gaadiidkaasi dekedda iyo kastmyada magaalada Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay wadeyaasha gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya Caasimadda in ay ka digtoonaadaan khataraha shilalka oo marar badan ay soo diiwaan geliyeen Ciidanka Ilaalada Waddooyinku shilal sababay khasaare nafeed iyo mid maalba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadeyaasha Bajaajku ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, una hoggaansamaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo hannaanka waddo marista Caasimadda.

Go’ankan ayaa salka ku haya talo soojeedin ka timid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo odoroosay tirade xad dhaafka ah ee gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...