Maamulka Gobolka Banaadir oo joojiyey soo dejinta Gaadiidka Bajaajka

Date:

Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in laga soo dejiyo dekedda iyo dhammaan soohdimaha dhulka ee magaalada Muqdisho gaadiid Mooto Bajaajka ah oo cusub.

Guddoomiyaha ayaa u muddeeyey labo bilood oo maanta ka bilaabanaysa, dadka ay haatan kaga jiraan gaadiidkaasi dekedda iyo kastmyada magaalada Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay wadeyaasha gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya Caasimadda in ay ka digtoonaadaan khataraha shilalka oo marar badan ay soo diiwaan geliyeen Ciidanka Ilaalada Waddooyinku shilal sababay khasaare nafeed iyo mid maalba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadeyaasha Bajaajku ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, una hoggaansamaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo hannaanka waddo marista Caasimadda.

Go’ankan ayaa salka ku haya talo soojeedin ka timid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo odoroosay tirade xad dhaafka ah ee gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...