Wasiirka Amniga XFS oo tababar usoo xiray Askar ka tirsan Ciidanka Booliska

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta dugsiga tababarka Booliska ee Gen. kaahiye tababar ugu soo xiray 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa loogu talo galay Sugidda Ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ku sugnaa Guddoomiyaha Maamulka gobolkq Banaadir, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Zakia Axmed, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Cutubyadii Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay Gaada ka ciyaar Qurux badan iyo dhoola tus ka tarjumaya tababarka ay qaateen oo u socday muddo seddex bilood ah.

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska ahna Taliye ku-xiggeenka ciidanka S/guuto Zakia Axmed oo munaasabadda ka hadashay ayaa ciidankaasi kula dardaarantay inay noqdaan kuwa kasoo dhalaala waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u hambalyeey Ciidanka tababarka loo soo xiray, waxaana uu faray in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshadda, ayna u naxariistaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....