Jubbaland oo taliye KMG ah u magacawday hawlgalka ka socda Jubbada Hoose  

Date:

Muqdisho (SNTV)- Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in isbedel lagu sameeyay saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah  maleeshiyada  Al Shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.

General Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal ayaa wuxuu sheegay in isbedel lagu sameeyay saraakiisha ciidanka, islamarkaana uu qorshaha yahay sidii Shabaab looga saari lahaa degmada Jamaame oo ay kaabiga ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay Korneel Macalin Nuur in si KMG ah uu uga hawgali doono degaanada gobolka Jubbada Hoose ee ay ku sugan yihiin ururka Al Shabaab ee qorshaha uu yahay in maleeshiyada  laga saaro.

Dhinaca kale taliyaha cusub ee la magacaabay Korneel Macalin Nuur ayaa wuxuu sheegay inay laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, wuxuuna shacabka ka dalbady in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...