Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E  Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bad-qabka dayuuradaha isticmaala hawooyinkooda.

Wasiirka oo Kulamo gar gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo  madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa kulankooda uga hadlay iskaashi labada dal ee dhinaca Duulista.

Mohamed Abdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaa sidoo kale ay kamid tahay wadamada xiriirka dhinaca Diplomaasiyadda la leh Dalka Soomaaliya,kaasi oo ahaa mid soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...