Shacabka Hiiraan oo la dagaalamaya maleeshiyada Alshabaab

Date:

Hiiraan(SNTV)- Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanada Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa wada iska caabin ay kaga hortagayaan maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo caadaystay inay dhacaan hantida dadka.

Ololaha dadku ay isaga caabinayaa dhibaatooyinka ALshabaab ayaa muddooyinkan soo ifbaxay,iyadoo sidoo kale Gobolka SHabeelada Dhexe ay ka socdaan abaabulo ka dhan ah Alshabaab oo ay wadaan dadka deegaanka oo is abaabulay.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha Shabaabku ay dadka ku dhibaataynayaan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku dhaqan Gobolka Hiiraan ee u istaagay inay iska dhiciyaan Argagixisada Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay markii ay u dulqaadan waayeen dhibaataynta iyo dhaca maleeshiyadaan ay ku hayso inay hubka qaateen.

“Al-Shabaab waxay rabaan inay Afduubtaan caruurteena, sidoo kalana ay dhacaan xoolo iyo wixii kale oo hanti ah oo aan haysano, waa dad doonaya oo kaliya xoolaha islaamka, anagana kama yeelayno waana iska celinaynaa.” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka la dagaalamaya Argagixisada Al-Shabaab.

Dhanka kale militariga Soomaaliya ayaa gacan siinaya shacabka go’aansaday in ay la dagaalamaaan Alshabaab,taasi oo keeni kartaa in ay wada shaqeyn dhexmartay ciidamada iyo shacabka oo fahmay dhibaatada ALshabaab,islamarkaana keeni karta in Alshabaab looga adkaado gulufka dagaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...