Dowladda Soomaaliya oo ku caawineyso shacabkeed la dagaalanka Alshabaab

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa sheegay in uu taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed garab taagan yahay Shacabka u bareeray in ay iska caabbiyaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

S/Gaas, Indha Qarshe, ayaa intaa raaciyay inay soo dhoweynayaan Shacabka is-xilqaamay ee meel walba kula dagaallamaya cadawga, isla maraakaana go’aansaday inay iska Dul-qaadaan dulliga ay Ummada ku hayaan Argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna intaa raaciyay taliyuhu iyaga oo ka faa’iideysanaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay isaga celinayaan cadawga in ay Laba jibbaaraan dagaalladii iyo howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo ballanqaaday inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Shacabka.

“Waxaa xaqiiqa ah oo aan dareennay annagoo CXDS ah in meel walba wax laga soo sheegayo, oo Shacabka Soomaaliyeed uu kacay oo is-xilqaamay ,oo u adkaysan waayay dhibaatada ay Shacaka Soomaaliyeed ku hayaan, oo ay u diyaar garoobeen inay iska dhacshaan”,ayuu yiri taliyuhu.

Taliye, Indha Qarshe ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed uu qorshahiisu yahay in Sanadka 2019-ka inta ka dhiman ay Dalka oo idil ka xoreeyaan Kooxda nabad-diidka Al-Shabaab oo Ummada ku haya dhibaatooyin ba’an.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...