Xaaska Madaxweynaha Mareykanka oo Socdaal kumareysa Qaar kamid ah wadamada Africa

Date:

Muqdisho October 2 (SNTV):- Safarkeeda kuma wehliya ninkeeda, laakin hooskiisa ayaa la socda, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.


Mrs. Melania ayaa tagi doonta waddamada Ghana, Malawi, Kenya iyo Masar, iyadoo dib ugu laaban doonta Washington October 7, waa safarkeedii ugu horreeyey ee caalami ah oo Afrika ku timaado.


Dooddo iyo hadal heyn badan ayaa hareeyey safarkeeda Afrika haweeneydan 48-jirka ah,


Waxaa kaloo la lee yahay waxaa ka caansan marka laga hadlayo Afrika Michelle Obama xaaska madaxweynihii horre ee Mareykanka oo dhowr jeer safar ku imaatay Qaaradan Afrika.


Diyaarad ay lee dahay dowladda Mareykanka ayey ku safreysaa Melania, taasoo galabnimadii Isniintii u soo qaaday Afrika.


Waxaa la sheegayaa in safarkeeda iyo meelaha ay booqanayso la jadwaleeyey, waxaana ku baxaya kharash badan, waxaa la socda diblomaasiyiin iyo dad ku xeel dheer dhaqamada iyo taarikda waddamada ay booqaneyso.


Sidoo kale, saraakiil gaar ah ayaa loo xil saaray ammaanka haweeneydan kuwaasoo la socon doona meelaha ay booqanaeyso sida iskuulada iyo isbitaalada carruurta, halkaasoo ay rabto in ay ka soo qaadato dhaqanka gobalka.


Hadal ay toddobaadkii horre ka sheetay magaalada New York, ayaa Mrs Trump ku sheegtay in ay jeceshay quruxda Afrika iyo dadkeedaba, iyadoo hadalkeeda intaas ku dartay in ay sii wadi doonto taageerada carruurta gaar ahaan in ay ka taageerto fayoqabka meelaha ay ku nool yihiin.


Mrs. Trump ayaa sheegtay in ay diiradda saari doonta daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana ku wehliya safarkeeda saraakiil ka socda hey’adda kaalmada Mareykanka ee USAID si ay u arkaan barnaamijyada ay ka shaqeynayaan sidii ay u taageeri lahaayeen waddan kasta.


Stephanie Grisham, Agaasimaha isgaarsiinta Mrs Trump, ayaa u sheegay CNN in safarka Manilia uuu ugu muhiimsan uu yahay booqashadeeda diblomaasiyadeed iyo mid bini’aadanimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...