Guddigii Aqalka sare uu udiray Galmudug oo gudoonka golahaas ku wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

Date:

Muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay xogtii ay Maamul Gobolleedyada ka soo uruuriyeen kala wareegayeen Guddiyadii Golaha Aqalka sare ka socday ee dhowaan tagay magaalooyinka Garowe,Baydhabo,Kismaayo iyo magaalada Dhuusa-mareeb.

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tagay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen,waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha aqalka sare ee loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu Guddoomiye u ahaa  Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid),wuxuuna warbixn siiyay Guddoonka Golaha Aqalka sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

“Annaga waxaan ahayn Guddigii loo diray Galmudug,waxaana halkaasi ku maqneyn shan maalmood,dhammaana waa aragnay qeybaha Bulshada Xukuumadda,Baarlamaan iyo qeybahahaasi kala duwan waa aragnay,waxaan ka soo uruurinay waxaan rabnaa inaan idin ku wareejino si aad dabcan idinkuna shaqadiina uga qabsataan,labo nuqul baan idin  ku wareejinayaa guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka si aad u aragtaan oo uga mid noqoto shaqada hogaankiinu uu qabanayo,” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,koofur galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...